Kalsooni-darrada Maxamuud Xaashi Oo La Filayo Inuu Shuruud la’aan dib ugu biiro Kulmiye

Waxa todobaadyadii la soo dhaafay cirka isku shareeray Kulamada qarsoodiga ah iyo kuwa muuqanaya ee ay yeelanayaan Siyaasiga Debedyaalka ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xubnaha metelaya Xisbiga Kulmiye kuwaas .

Kulamadan oo ay bar bilowgiisa lahaayeen Xubnaha Beesha Galbedka Hargeysa ee Golaha Wakiilada ku metela oo uu Codsi rasmi ah u gudbiyay Siyaasi Maxamuud ayaa daaran sidii Xaashi looga maslixi lahaa Muuse Biixi oo debedda u tuuray ka dib markii uu ka dhamaystay dantii uu ka lahaa 2017.

Xogaha hoose  ayaa tibaaxaya in Siyaasigan debedmeerka ah oo ay si dhaw ula taliyaan Xubno Dhallinyaro ah oo Jifadiisa Hoose ah oo Qaab qabiil u abaabulan ay u soo bandhigeen inaanay suurogal ahayn in Haddii uu Urur furto aanu soo baxayn Maadaama uu Xisbigiisii keli ka yahay oo aanay jirin cid raacsan sidoo kale na uu kala dilay Beesha Bariga Burco oo uu aad u kala guray intii uu meehannaabayay.

Xoguhu waxa ay intaa ku darayaan in Dhallinyaro uu isku hallaynayay oo laga soo aruuriyey maqaaxiyaha Hargaisa uu kala kulmay diidmo af-kalaqaad ku noqotay ka dib markii ay si cad ugu sheegeen in aannu -waa Maxamuud Xaashi e, u dhaqmin sidii Siyaasi meteli kara Beesha Bariga Burco dhamaanteed, balse uu u dhaqmay sidii Xildhibaan metela Jufo ka mid ah taas oo ay waliba u soo bandhigeen weedho uu aad ugu duray qayb ka mid ah beeshaas halka uu nacayb ka buuxiyey dhalinyaro ay iski jufo yihiin.

Dhacdooyinkan ka dib, Siyaasigan ay la soo deristay Kalsoonidarradu waxa uu Beesha Galbedka Hargeysa ka codsaday in ay ka afgartaan Madaxwaynaha, taas oo la sheegay in xubnihii u kala dabqaadayay uu Madaxwaynuhu ka codsaday in uu horta soo raalligeliyo lana soo kulmo Siyaasiyiinta Kulmiye ee uu ku gefay oo ay ka mid yihiin Faratoon, Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi ka dib na uu la kulmayo.

Kulamaas oo Maxamuud yeelay ayaa la rejaynayaa in ka dib uu madaxwaynaha la kulmo .
Maxamuud Xaashi ayaa la filayaa in uu Shuruud la’aan ku dib ugu biiro  mar labaad  ka dib markii uu awoodi waayay in uu go’aan qaato keligiina socon kari waayay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker