Khubaro ka tirsan FBI-da Mareykanaka oo Gaadhay Addis Ababa

Koox khubara ah oo ka tirsan FBI-da Mareykanaka ayaa Addis Ababa soo gaadhay si ay Itoobiya uga caawiyaan baadhitaanka qaraxi Baka ee Addis Ababa ka dhacay ciddi ka dambeysay.Shacab maalaayiin lagu qayaaso oo Itoobiyaan ah ayaa fagaaraha weyn ee ku yaalla bartamaha magaalada Addis Ababa ka sameeyey isu soo bax ay ku taageerayaan ra’isalwasaare Dr Abiy Axmed isbeddellada muddada gaaban uu ka soo hoyey siyaasadda dalka.

FBI

Dadki isu soo baxaasi ka qayb galay ayaa lagu tuuray bam gacmeed ay ku dhinteen 2 qof dad ka badan 100 ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha booliska federalka Itoobiya General Zeynu Jamaal ayaa wuxuu sheegay dadka weerarkaasi bamka ka dambeeyey baadhitaanno lagu ogaanayo iney si adag u socdaan dalkana ay soo gaadheen khubaro ka soocoto laanta dambi baadhista booliska mareykanka FBI ayna gudagaleen baardhtaannadooda.

Dalka gudahiisana waxaa laga dhisay guddi dabagalo dhibaatooyinka ka dhashay qaraxaasi iyo howlaha baadhitaanka oo qayba kala duwan ka kooban.

“baadhitaannada oo billow ah haddana waxay marayaan meel aad u wanaagsan” ayuu yidhi.

Howsha baadhitaanka si loo sii dardargeliyana boolis ka socda waddama kale in howlaha baadhi taannadana laga qayb geliyo waa la qorsheynayaa.

Wakhti xaadirkan Booliska FBI oo rabitaankooda ku yimid waxay billaabeen iney kooxda baaritaanka wadday ay ku biiraan oo ay kaalintooda ka qaataan.

Ilaa iyo haddana waxaa gacanta lagu dhigay ayuu yiri dad ka badan 28 qof oo looga shakiyey iney ku lug leeyihiin qaraxa ka dhacay magaalada Addis Ababa.

XIGASHO (BBC)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker