Dhegayso: Dagaal ka dhex billowday ciidamada dowladda iyo Janan

 

Wararka ka imanaya magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka bilowday iska Horimaad u dhexeeya ciidamada Dawladda federaalka iyo kuwa uu Hoggaamiyo Wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Janan.

 

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhacayo laba qaybood oo ka mid ah magaalada, una dhow xududda Soomaaliya iyo Kenya.

Ilaa haatan khasaaruhu ma cadda, hase yeeshee waxaa la isku adeegsanayaa hubka culus.

 

Cabdirashiid Janan ayaa horey uga baxsaday gacanta dawladda Soomaaliya waxayna dawladda Soomaaliya ka dalbatay Kenya inay usoo gacan geliso.

Janan waxa uu beeniyey eedaha ay dawladda Soomaaliya la Xidhiidhinayso

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu eedeysay Kenya inay faro-gelin ka waddo xuduudda gobolka Gedo iyo Kenya, eedeymahaas oo Kenya ay beenisay.

Haaruun Macruuf ayaa dagaalka ka waraystay mid ka mid ah dadka ku nool magaalada oo magaciisa qariyey sababo dhinaca amniga ah darteed.

Warka KU Saabsan Dagaalka Halkan Hoose Ka Dhegayso:

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker