Madaxwayneihii hore ee Galmudug Xaaf Oo lagu wado inuu Ka Qayb Galo Caleemasaarka Qoorqoor
Madaxweyne ku xigeenka mamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa si rasmi u shaaciyay in Maamulkiisu ay la heshiiyeen Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Mr Ciid waxa kaloo uu xusay in uu ka soo Qeybgali doono munaasabada caleemasaarka Ee Madaxweyne Qoorqoor.
Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug oo waraysi bixinayay ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay soo Bandhigi doonaan qodobada ay Ku Heshiiyeen isagga iyo madaxweynihii hore Galmudug Xaaf.
Xaaf oo fadhigiisu yahay Gaalkacayo ayaan weli ka Hadlin in isagga iyo Hogaanka cusub ee Galmudug ay heshiiyeen iyo in kale, Hogaanka Ahlu-sunah iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa ahaa Qodaxdii ku taagnayd maamulka cusub ee Galmudug ee Uu Hogaamiyo Madaxwaynaha Cusube ee Qoorqoor