Dhagayso: Kenya oo Markale Duqeyn Waxyeelo Ugaysatay Anteenooyinka Shirkadda Hormuud ku Qaaday Koonfurta Soamlia
Wararka ka imanaya Degmada Ceel Waaqย oo ka tirsan gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay xalay 10-kii Habeennimo ay weerar ku qaadeen Goob ay ku taalo mid ka mid ah Anteenooyinka, ama Taawarada Shirkadda isgaadhsiinta ee Hormuud.
Wararka ayaa sheegaya in illaa 11 gantaal ay ku dheceen Deegaanka ay Anteenooyinkaasi ku yaallaan.
Wareystayย uu Warbaainta siiyay Xassan Aadan Biixi oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya oo jooga degmada Ceel Waaq, markii duqayntaas dhacdeyna sida uu sheegay ku sugnaa meel 30 km u jirta goobta la duqeeyey.
HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGIIISAA