Dawlada Ruushka oo Ka Hadashay Inay Qorshaynayso Saldhig milatari Oo ay ka Samaysato Magaalada Berbera ee Somaliland

Hargeysa (OWN) – Dowladda Ruushka ayaa markii u horeysay si cad uga hadashay warar sheegaya in damaceeda uu yahay inay magaalo xeebeedka Berbera ka sameysato Saldhig Milateri.

 

Ruushka ayaa xaqiijiyey inuusan waqti Xaadirkan diyaar u aheyn inuu Berbera ka sameysato Saldhig Milateri, sida uu sheegay Danjire Mikhail Golovanov.

 

Mikhail Golovanov oo ah Safiirka Ruushka ee Soomaaliya iyo Jabuuti oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Ruushku aysan wax saldhig ah ka sameysaneen Berbera, isagoona xusay in wax wada-hadal ah oo arrintaasi ku saabsan aan la qaban.

 

Mikhail ayaa isagoo si kooban uga hadlaya Arrinkaasi waxa uu yidhi “Ruushku, ma waddo inuu Dekedda Berbera ka samaysto saldhig milatari. Wada-hadalo arrintan ku saabsan lama qabanin”.

 

Hadalkan Mikhail ee uu ku Cadeynayo in dowladiisu ay waqti xaadirkan aysan qorsheyneyn in saldhig Milateri ay ka sameysato Berbera, ayaa waxa uu ku soo aadaya Warbixin si weyn u faaftay oo uu Wargeyska New York Times uu ku sheegay in uu Ruushku wado Qorshe uu Berbera kaga sameysanayo Saldhig Milateri.

 

Warbixinta Wargeyska oo soo baxday horaantii bishan ayaa waxa ciwaan looga dhigay “Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer Galbeed badan oo ka wer-wersan”.

 

Waxaana warbixintaasi lagu sheegay in Dowladda Ruushku ay si dhow isha ugu hayso Magaalo Xeebeedka Berbera, oo ay rabto inay saldhig ka sameysato, inkasta oo dowladda Ruushku ay iska fogeysay Xaqiiqada qorshahaasi.

Waxaa Soo Turjumay Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker