Wasiirka arrimaha debbada ee Sucuudiga Oo Sheegay Xidhiidhka Ay La Yeesheen Israa’iil
Wasiirka arrimaha debbada ee Sucuudiga Faisal bin Farhan Al Saud, ayaa sheegay in heshiishyada ay dawladda Sucuudigu la gashay Israa’iil faa’iido u tahay xasiloonida Gobalka. Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska labada dhinac uu faa’iido u yahay Amniga, arrimaha bulshada iyo iskaashiga dhaqaale ee labada waddan.
Faisal bin Farhan ayaa bishii sagaalaad ee sannadkii hore sheegay in Sucuudigu doonayo heshiis aan waxyeelo u lahayn Falastiin. 2002-dii bay ahayd markii Sucuudi Carabiya isku dayay dhexdhexaadin uu gadhwadeyn ka yahay.
Trump, ayaa heshiiskii sannadkii hore Israa’iil iyo Falastiin lagu dhexdhexaadinayay buriyay kaddib markii Trump sheegay in Israa’iil xaq u leedahay dhulka ay isku hayaan Falastiin.
Sucuudiga ayaa hore xidhiidhka ugu jaray Israa’iil, isaga oo sheegay in ay xoog ku haysato dhul Falastiiniyiintu leeyihiin, balse hadda ayuu Sucuudigu xidhiidh la sameeyay Israa’iil.