Atariishada Caanka ah Rhea Chakraborty Oo loo Xidhay Dhimashadii Aktarka Sushant Singh.
Attariishada ka tirsan Bollywood, Rhea Chakraborty ayaa loo xidhay kiis la xidhiidha dhimashada jilaagii caanka ahaa ee Sushant Singh Rajput oo ay saaxibo ahaayeen.
Sushant Singh Rajput oo 34 jir ahaa ayaa 14-kii bishii Juun meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Mumbai, booliska waxay sheegeen in uu jilaaga uu isagu is dilay.
Qoyska Aktarka geeriyooday ayaa dacwad ka gudbiyay Rhea Chakraborty oo ay ku eedeeyeen inay ku dhiirigelisay in jilaaga uu is dilo.
Rhea Chakraborty weli kama aysan hadlin arrintan balse horey ayay u beenisay in wax lug ah ay ku laheyd geerida jilaagaas.
Mas’uuliyiinta weli ma aysan shaacin dacwadda loo heysta atariishadda.
Rhea Chakraborty walaalkeed Showik iyo maamulihii guriga Rajput, Samuel Miranda ayaa toddobaadkii hore la xiray.
Atariishaddan ayaa noqoneysa qofkii ugu horreeyay oo caan ah oo loo xiro kiiska la xidhiidha geerida Sushant Singh Rajput.
Sushant iyo Rhea labadoodaba waa la isku arki jiray marar badan iyagoo wada jooga. Ha ahaato xaflad, Gym-ka bannaankiisa ama makhaayad.
Hase yeeshee, labadooda midna waligiis ma uusan sharrixin nooca uu yahay xidhiidhkooda iyo inuu xidhiidh jacayl ka dhaxeeyo.
Kaddib geerida Sushant Singh Rajput waxaa soo baxayay warar sheegayo in uu la daalaa dhacayay xannuun dhanka dhimirka ah.
Rajput ayaa sii noqonayay xiddig weyn oo ku dhex jira filimada laga daba dhacay ee Hindiya, waxayna geeridiisa lama filaan ku noqotay guud ahaan waddankaas.
Maalmo kaddib geeridiisa Rhea Chakraborty ayaa wajaheysa ol’ole nacayb ah oo ay horkacayaan wariyeyaasha ugu caansan dalka Hindiya iyo dadka saameynta ballaadhan ku leh baraha bulshada.
Warbaahinta ayaa si weyn u hadal heysay arrintani kaddib markii aabaha dhalay Sushant Singh Rajput uu dacwad ka gudbiyay atariishadda, wuxuu beeniyay in uu wiilkiisa uu qabay xanuun dhimirka ah, wuxuu ku eedeeyay Rhea Chakraborty inay xadday lacagta wiilkiisa iyo eedeymo kale.
Xigasho BBC