Akhriso: Ahlu-Sunna oo ka dalbatay Beesha caalamka in lasoo dhiso Gole Qaran oo Loo dhanyahay

Dhuusomareeb (OWN) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna, Dr Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka in ladhiso gole loo dhan yahay oo u Xil-saaran federaalnimada, dimoqoraadiyada iyo doorashooyinka gobolada inta uu dalka helaayo xasilooni siyaasadeed oo degan.

 

 

Qoraal kasoo baxay Sheekh Shaakir, ayaa sidoo kale looga digay in ciidamada ay tababareen wadamada Mareykanka iyo Turkiga ee GORGOR iyo HARAMCAD loo adeegsado cabudhinta shacabka iyo dano siyaasadeed, oo gaar ah.

 

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in xaaladda Galmudug ee iminka ay u muuqato mid Al-Shabaab “dib loogu beerayo” dhulkii horay looga sifeeyey ee Galmudug, taasina ay tahay arrin aysan Ahlu-Sunna aqbali karin.

 

 

“Waxaan bulsho waynta Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Galmudug iyo beesha caalmaka u cadaynayaa in dowladda federaalka ay ku guul-daraysatay in loo dhiso Galmudug maamul loo dhan yahay,

 

 

taas bedelkeeda waxa ay dhisatey maamul ay wadato kaas oo dowladda dhexe ku doonayso in ay xildhibaano taageersan ku hesho doorashada 2021 si madaxda hadda jirta ay u soo noqdaan,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

“Waxay u muuqataa in doorashooyinka 2021 la mid noqon doonto tan Galmudug haddii aysan beesha caalamku dadaal cusub oo arrinkan wax looga badalayo la imaan,” ayuu yiri.

Hoos ka Akhriso qoraalka Ahlu-Sunna

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker