Golaha Wasiirada Somaliland Oo Shir Aan Caadi ahayn ka Yeeshay Safarka Farmaajo Ee Hargeysa. & Digniina U diray Rw Abbiy
Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Maanta Magaalada Hargeysa ku yeeshay kulan aan caadi aheyn, oo ay kaga Arrinsanayaanย Safar la sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu tegi doono Magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Muuse Bixii ayaa Golaha Wasiirada Somaliland u soo jeediyay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dego Hargeysa, iyagoona Aqbalay arrintaas, isla markaana waxaa ay sheegeen inay soo dhaweynayan..
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in si wadajir ah Magaalada Hargeysa uga degaan Raโiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo oo ka ambabixi doona sida la sheegay Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale wararkaย Kasoo Baxaya magalada Hargaysa ayaa sheegaya in ay Soomaaliland qoraal diidma ah u dirtey Raโiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed taasoo lagu muujiyay in marnba aysan suuragal aheyn in Madaxweyne Farmaajo tago Magaalada Hargeysa.
Qoraalka Loo direy Abiy Axmed oo ay heshay Warbaahinta ayaa lagu wargeliyey Abiy Axmed in Soomaaliland marnaba diyaar u aheyn in ay Hargeyso kusoo dhaweyso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in isla Maanta Soomaaliland ay warqadaasi gaarsiisey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya,in kastoo weli aysan kasoo jawaabin.
Qoraalkan diidamadaha ah ee Soomaaliland u dirtey Itoobiya ayaa kusoo beegmaya Saacada uun markii Guddoomiyaha Golaha Guurtida Soomaaliland uu sheegay in Raโiisul Wasaaraha itobiya uu ku cadaadinayo in Madaxweyne Farmaajo tago Magaalada Hargeysa.