Madaxwaynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo Geeriyooday

Related image

 

 

Qaahira (OWN) –Madaxweynihii Xukunka laga afgambiyey ee dalka Masar, Maxamed Morsi ayaa ku dhex geeriyooday maxkamad ku taalla dalkaas oo maanta lasoo taagay, waxaa sidaas ku warramay taleefishinka dowladda ee Al-Ahram.

Sida ay lagu sheegay  warbixinta Talefishinka dowladda Mursi ayaa Galay waxaa Loo yaqaano (COMMO) Ama  miyir daboolmay markii ay furmatay maxakamadentiisu

Waxaa la sheegay inuusan kasoo laaban suuxdinta oo uu sidaas kusii dhintay inkastoo aysan jirin hadalo kale oo madax banaan oo muujinayo qaabka uu u dhintay.

Sida qorshaha ahaa Shalay oo Axad aheyd ayaa loo ballansanaa maxkamadeyniisa balse waxaa dib loogu dhigay Maanta oo Isniin ah.

Dowladda ayaa dib u dhigista maxkamadeyntiisa shalay ku sheegtay in la isla sugayey maxkamadeynta 22 xubnood oo ka tirsanaa  Ururka Awooda badan ee IKHWAANUL MUSLIMIIN   oo uu ku jiro madaxii Ururka mr Madaax Badiic.

Sannadkii 2012kii ayaa loo doortay madaxweynaha Masar, ka dib markii Xukunka laga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak.

Waxaa xilka laga tuuray sannadkii 2013kii oo militariga ay markale maamulka la wareegeen.

wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sanadkii 2000 ilaa 2005tii.

Xisbiga Ikhwaan muslimiin ee xornimada iyo cadaalada ayaa u doortay inuu u noqdo hogaamiye kacdoonkii bishii Janaayo 2011 kadib.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker