Taliyaha Saldhig Booliis Oo Ku Dhaawacay Magaalada Boosaaso

Dableey hubeysan ayaa maanta oo jimce ah Taliye ciidan ku dhaawacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Col. Cumar Warsame Ciise oo aha Taliyaha Saldhiga Booliiska Nuur Salaad ee magaalada Boosaaso ayaa la dhaawacay xilli uu Salaaddii jimcaha ka soo baxay Masjidka Faadumo ee magaalada Boosaaso.

 

Taliyaha ayaa la sheegay in dhaawac culus uu ka soo gaadhay rasaatii ay dableydu ku fureen waxaana sidoo kale weerarka ku dhaawacmay qof shacab ah oo ka ag dhowaa halka weerarku ka dhacay.

 

Dableeydii weerarka geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoo halkaas ay laamaha Amniga ka sameeyeen hawlgal kadib weerarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker