Dawlada Mareykanka oo dib u Bilawday Taageerada militariga Ee ay ka Gaysato Somalia

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in todobaadkan ay dib u billowday Taageeraddii milatari ee ay siin jirtay ciidmada dowladda Soomaaliya, si ey u taageerto howlgallada argagixiso la dirirka ee gobolka Shabeellada Hoose.

 

 

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Afhayeen u hadlay Safaaradda oo la yidhaahdo Ryan Grizzle, waxa ku sheegay in tallaabadan Mareykanku uu qaaday ay ka dambeysay kadib markii ay korodhay  kalsoonidii Mareykanku ku Qabay hanaanka maamulka  Dawliga ah ee Somalia.

 

 

 

Ryan waxa uu yidhi, “waxaan ugu baaqeynaa Dowladda soomaaliya inay mudnaanta koobaad siiso wax ka beddelka iyo tayeynta hay’adaha amniga, si loo helo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay amaanka dalkooda la wareegaan.”

 

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmadan dhaqaale oo ah mid kooban, oo lagu taageerayo oo kaliya la-dagaalanka argagixisada.

Qoraalka ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in dib u heshiisiinta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay muhiin u tahay.

 

hirgelinta dowlad xooggan oo ammaanka hanan karta, iyo barwaaqo ay ay higsadaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka ayaa joojisay taageeraddii cunto iyo shidaal ee ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya sanadkii 2017-kii, iyadoo sabab uga dhigtay welwel ay ka qabtay musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jiray sida loo maareeyo gargaarka ciidanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker