Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Mudug ee Somaliya

Ciidamada difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ayaa Xalay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab ku dilay deegaanka Galdhabo oo ka mid ah deegaanada hoostaga Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Horjoogahaan oo toogasho lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Ciidle Barre, kaasoo la sheegay inuu kooxda u qaabilsana qaadista lacagaha ay Sakawaadka ugu yeeraan kooxda ee gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug.

“Dhagar Qabaha ayaa la dilay caawa salaaddii Maqrib ka dib waxaana la xaqiijiyey in dhawaan uu dad Shacab ah ku laayay deegaanka Howdley oo hoostaga Xarardheere caawa ayaana ilaahay ku halaagay Gacmaha Mujaadiinta Difaaca Shacabka”ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu baahiyay Warbaahinta dowladda.

Horjoogahaan ay khaarajiyeen ciidamada deegaanka ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid caan ku ahaa dhibaateynta dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada maamulka Galmudug.

Gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa dhowrki todobaad ee la soo dhaafay si xowli ah uga socda howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan Galmudug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker