Beebabkii Biyaha Hargeysa Keeni Lahaa Oo Loo Leexiyey Beeraha ku yaal Geed-deeble

Korodhka heerka Biyo-yaraanta ayaa sii kordhaya mar-ba marka ka dambaysay Magaalada Haregeysa,wallow ay xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo isku daydey inay biyo gaadhsiiyo caasimada haddana kuma ay guulaysan sida ay doonaan wax ha u dhacaane,Madaxweyne Biixi oo sannadkii afraad hadda Madaxa la gelay inta uu xilka Madaxweyne hayey ayaanay xukuumaddiisu iyana ku guulaysan weli inay caasimadda gaadhsiiyaan biyo ku filan,wallow ay wadaan dhaq-dhaqaaq-yo haddana may noqon kuwa la mahadiyey,waxaana laga cabsiqabaa inay noqdaan dhaq-dhaaqyadii fashilmay ee xukuumaddii hore ee KULMIYE oo kale.

Labadaas duruufood ee isku lamaan, ayaa marba marka ka dambeysa waxay kor u sii kacaan-ba, haatan gaadhay in baddi xaafadda Magaalada Hargeysa ay noqdaan qaar ku tiirsan biyaha Booyadaha, kuwaas xilligan kor u qaaday sixirka ay siin jireen biyaha,isla markaana culays iyo dhib ku ah bulshada danyarta ah ee ku dhaqan caasimadda,wallow uu raxmaadkii curtay oo la filayo inay wax is baddelaan,hadda dhibta biyo la’aanta ayaaa ah mid joog ah.

Biyo-yaraanta ugu daran ee Caasimada Hargeysa,ayaa tan iyo dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyay ka taagnayd Xaafaddaha aanay Biyaha qasabadu gaadhin, haba ugu darnaadeen Xaafadaha dhinaca Koonfureed, Bariga iyo darafka fog ee Galbeedka oo aanay xaaladda biyo-la’aaneed ee ka jirtaa aanay waxba ka dhicin Daamaha kale.

Bulshada ku dhaqan Degmooyinka Biyaha Qasabadu aanay gaadhin, ayaa muddo dheer ay waraabinayeen Booyaddaha ka soo dhaamiya meello ka baxsan Magaaladu, ayaa haatan dhibaato hor lihi ka soo korodhay cidhiidhi laxaadle oo la soo dersay helida Booyadaha, kaddib markii uu suuqoodu xaami noqday, taas oo xaafadaha qaar solansiisay inay waayaan Biyihii ay Booyadaha ka shuban jireen. Waxaanay taasi muujinaysaa heerka Duruufta aan loo maaro helin ee sii kordhaysa.

Sidaasooy ay tahay, Uma Baahna Tacliiq badan biyo-yaraanta baahsan ee ka jirta Magaalada Hargeysa oo marti-gelisay kala badh in ka badan Shacbigii ku noolaa Gobollada dalka, xaalkeeduna ka dhiganyahay Gaadhi dusha ku sida Xamuul ka badan xajmigii loogu talo-galay,hanfiga Kulaylka Cad-ceeda ee sii siyaadayey tan iyo horaantii curashada bisha Ramaddaan , ayaa waxa u dheer dadweynaha ku nool xaafadaha qaar dhan-qalan biyo la’aaneed.

Dhanka kale xaafaddo kamid ah Magaalada Hargeysa ee qasabadaha biyaha suququlka ku cabaa ayaa la sheegay in aan loo caddaalad samayn, isla markaana qaar-na laga xidho qaar-na loo sii daayo “waxa nasiib darro weyn ah biyo qaybinta Magaalada oo kale Wakaaladda biyuhu wey ku fashilantay,waxa qaybiyaha nin ilkacase la yidhaah xaafaddaha qaar biyuhu kama go’aan saacad ama maalin ,xafaaddaha qaarna waxay biyaha cabaan toddobaadkii habeen , hal habeen,weliba si suququl ah , Mareeyaha Wakaallada isaga waxa u taalla Wakaalladan uu maamulo in ummadda si sinaan iyo caddaalad ah biyaha loogu qaybiyooo aanay xaafaddaha qaarna biyihii cabaan hadh iyo habeen qaar-na laga jarro.”

Waxa kale oo uu sheegay Xoghayaha arrimaha Bulshada ee Xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq dhamme in beebabkii waa weynaa ee biyaha keeni lahaa Magaalada loo leexiyey beero ku yaal Geed-deeble oo lagu wareebiyo,kuwaas oo uu sheegay inay rag Qaranka Madax ka ahi ay leeyihiin”Ceelashi Geed deeble intii uu Maareeyahani joogay waxa loogu tasarufay oo looga faa’iidaystay si shaqsi ah ,shaqsiyaad madax  ka haa xukuumadii Siilaanyo ayaa ku waraabsada biyihii la waraabin lahaa dadka beero u dhow oo meesha ku yaala beebab waa weyn ayaa taga oo beero lagu waraabsadaa waana sharci darro .”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker