Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya qaybtii 7aad

Qaybtan waxaynu ku eegaynaa qodobada ugu adag wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waxaana ka mid aha earayga «waa Maqaddas»,kaas oo aad inta badan ka maqasho Madaxda—Siyaasiyiinta iyo Shacabkaba iyagoo ku dhawaaqaya erayada:- (Midnimada Soomaaliya waa Muqadas)—-(Gooni isu taaga Somaliland waa Muqadas).

Erayga Maqadas wuxuu sidoo ku qoran yahay Dastuurada labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Bal hadddaba aynu eegno macnaha erayga Maqadas,sidoo waxayna eegaynaa meelaha uu kaga qoran yahay amase kaga jiro Dastuurada labada dal Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Macnaha erayga Maqaddas=

Erayga Muqadas,waxaa lagu macneeyaa in uu yahay oo keliya,wax xagga ALLE  ka dhowrsan,oo aanu Bini aadamku waxba ka bedeli karin,sida Quraanka Kariimka-Qowlka Illahay- Diinta Islaamka.Waxaa sidoo kale Muqadas lagu tilmaamaa abuurta ILLAHAY.

 

Dastuurka Soomaaliya:-

 

Dastuurka Soomaaliya,inta aan arkay hal(1) baa la isticmaalay erayga-Muqaddas kaas oo ah :-

Q4aad-farqadiisa-3aad,taas oo u qoran sidan:-

(3. Gobannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa muqaddas laguma-xadgudbaan ah.

Dastuurka Somaliland:-

 

Dastuurka Somalilandna erayga Muqaddas wuxuu ku qoran yahay Q,2aad-Farqadiisa 3aad,wuxuuna u qoran yahay Sida(3.Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.

 

 

 

ALLAA. M A H A D    L E H

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

 —- la soco qaybt 8aad (goobta iyo sida loo wada hadlayo)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker