Milatariga Israel Oo Daanta Galbeed ku Toogtay Wiil Yar Oo Falastiini Ah

Milatariga Israa’iil ayaa wiil falastiini ah ku dilay daanta galbeed xilli ay sii xoogeysaneyso xiisada u dhaxeysa labada Dal.

Goob jooge diiday magaciisa ayaa xaqiijiyay in gacan ka hadal uu dhaxmaray milatariga Israa’iil iyo shacab Falastiin ah oo fiidnimadii xalay dibadbax ka dhan ah yahuuda ka waday degmada Baab Al-Sawiyah oo daris la ah magaalada Al-Khaliil oo dhacda koonfurta daanta Galbeed.

 

 

Ciidanka Israa’iil waxay adeegsadeen rasaas nool nool waxaa jira dad dhaawac uu soo gaaray laakin ma xaqiijin karo maadaama xilli habeen ah ay tahay ayuu Yiri.

 

Shacabka Falastiin ayaa ka carooday qorshaha loogu magac daray heshiiska qarniga ee Israa’iil iyo Falastiin oo hormuudka ka yahay Mareykanka.

Xukuumada Washington ayaa u aqoonsatay caasimada mustaqbalka Israa’iil in ay noqoto magaalada Qudus taasi oo caro xoogan ku dhalisay muslimiinta caalamka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker