Madaxwayne Geele:- Alshabaab Way Jabtay, Wayna Aqoonsadeen In Ayna Sii Dagaalami Karin

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya  Dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo Arimo kale.

 

Madaxweyne Geelle, ayaa sheegay in waqtigan Ay Yaraatay  Awoodii Al-Shabaab, islamarkaana ay soo Xoogeysteen ciidamada dowladda federaalka Somalia.

 

Sidoo kale Madaxweyne Geelle ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ay Al-Shabaab bilaabeen Sanadkii 2007, Balse hada ay yaqiinsadeyn in aysan sii wadi karin dagaalka ka dhanka ah Dowladda iyo Ciidamada AMISOM.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Jubuuti ayaa xiligan  ka Hawl gala  degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan Ee Dalka Somalia kuwaasi oo qeyb ka qaata dagaalka lagula jiro dagaalamayasha Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker