Midawga Yurub Oo Ganafka Ku Dhuftay Qorshaha Trump Ee Bariga Dhexe
Wadamada midowga Yurub ayaa diiday Qorshaha madaxweyne Donald Trump ee loogu magac daray Heshiiska qarniga ee bariga Dhexe.
Madaxa siyaasada Arimaha dibada Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in Talaabada Mareykanku ay Xadgudub ku tahay Madax banaanida Falastiin.
Mr Borrell ayaa hadalkan ka sheegay warsaxaafadeed talaadada maanta ah uu ka soo saaray magaalada caasimada ah ee Brussels, kadib booqasho uu ku tagay dalalka Iiraan iyo Jordan.
Diblumaasigan ayaa intaa ku daray in Israaโiil si aan sharci aheyn ay isugu balaarineyso daanta galbeed ee dhulka Falastiin iyo buuraha Golan Heights oo dagaal ay ku qabsatay sanadkii 1967-dii.
Trump oo si rasmi ah u Aqoonsaday in Caasimada Israaโiil ay tahay magaalada Jerusalam oo uu ku yaal masaajidka Qudus ayaa sheegay todobaadkii hore in dhowaan uu dhaqan gali doono heshiiska qarniga Falastiin iyo Israaโiil.
Arintaan ayaa caro xoogan ku abuurtay shacabka iyo madaxda Falastiin.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii ururka Jaamacada Carabta uu diiday qorshaha Mareykanka.