Shirkada DP World Oo Sheegtay Inuu Saameeyay Dagaalka Ganacsi Ee U dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka.

Shirkadda DP World, oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai Ee Dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay  ayaa gacanta ku dhigtay 71.2 milyan sannadkii 2019 iyadoo Dhaqaalahan ka Heshay guud ahaan Dekeddaha caalamiga ah ee marinnada haamaha.

Waa horukac 1.0% ah marka la barbar dhigo sanadkii ka horeeyay. shirkadda DP world waxaa ganacsigeedu uu ku baahsan yahay dalal badan oo ka kala tirsan Yurub, America, Australia iyo Afrika.

 

 

Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo ah madaxa fulinta ee shirkadda DP World ayaa u sheegay warbaahinta in sanadkii 2019 uu ahaa sanad Adag oo dagaal ganacsi ah uu dhex maray Shiinaha iyo Mareykanka, dagaalkaas oo suuqa u horseeday hubanti la’aan.

 

 

In kasta oo ay taasi jirto, wuxuu sheegay in DP- World ay soo Saartay koror dhaqaale taas oo mar kale muujineysa adkeysiga ganacsigeed.

Bishii hore, shirkadda DP World waxay Daahfurtay shirkad lagu magacaabo Al Rawdah, oo ah Shirkad  dhanka Adeegyada  maraakiibta ah  . Adeeg Gaas oo  ka dhex shaqayn doonta Ingiriiska iyo xeebta bari ee Hindiya.

 

 

DP- World ayaa gacanta ku haysa Dekedaha Berbera iyo Boosaaso ee  Wadamada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo Heshiis kula gashay Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland  in ay Dekedahooda maalgalin Balaadhan  ku sameyso islamarkaana ay maamusho muddo 30 sanno ah.

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker