Somalia,Turkiga & Talyaaniga Oo Muqdisho Kaga Shiray Golaha Amniga Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa uu Wadahadal wax ku Ool ah oo ku saabsan Xidhiidhka Diblomaasiyadeed iyo Horumarka geedi-socodka dib-u-habaynta Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey kula yeeshay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Italy, Mudane Alberto Vecchi, iyo Safiir kuxigeenka Safaaradda Jamhuuriyadda Turkey Ozan PEKİN.

 

 

Kulanka wadajirka ee Seddex geesoodka ah ayaa diiradda lagu saaray Arrinta socota ee dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh si si wanaagsan looga falceliyo caqabadaha jira iyo kuwa hadda soo ifbaxaya ee dunida.

 

 

Wasiir Cawad ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa uu Muqdisho kula kulmayey Wakiilada Caalamka u jooga Soomaaliya,waxaana uu shalay la kulmay Wafdi ka socda QM & Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker