AKHRI , DAAWO : Kooxda Dayax Oo Hees Ku Garaacay Madaxweyne Muuse Biixi :”Muusow waxaad noqotay KADARE”

Waa hees cusub oo si dhab-ka-hadal ah oo dareen taareen taabasho leh uga hadlaysaa xaalaadda Somaliland iyo maamulka Muuse Biixi.

 

Heestu waxa ay leedahay “Muusow waa aad uga sii dartay oo waxa aad noqotay “Kaddare”.

 

Waa hal-abuurkii Daaha Cabdi Gaas, waxa cod ku qaaday kooxda Dayax.:-

 

Siddeetan kun bay dhiggaa
Dadkani cod ku dhaafiyeen
Mujaahid dal soo dhacshiyo
Wax baad dheer tahay dadkana
Inay kaa dhaadhacdaa
Dhalliil weeyee ogow.

 

Kuwii dalka kula dhacshiyo
Kuwii dhiigga kula shubiyo
Dhiggaa waa nool yahee
Waxay Muusaw dhabtii
Kursiga kuugu dhaariyeen
Habeen isagaan ka dhixin
Ka dhoofin intuu jiroo
Dhulkiyo bulshadaba yaqaan.

 

Intaa dhiman ee hadhiyo
Qabyada ha dhammaystiray
Runtii kuugu dhiirradeen.

 

Sicirka dhadhamada bulshada
Cirkaa dhuuniga u baxay
Wixii dhakhso celin lahaa
Xal bay dhawrayaan la helo.

 

Hooyadii codka dhiibatiyo
Dhallaankii ku doortay shalay
Dheefiyo iska daa cuntee
Dhuuniga biyo uma helaan.

 

Dhulkuna wuu badan yahee
Dhammaan Somaliland
Way dhaantay markii horee
Hadday sii dheellidoo
Dhan baa sadbursiimadii
Halkii laga dhimi lahaa
Dheeraad ugu sii dartee.

 

Dhismaha dawladdiyo sharciga
Soo dhaafi Hargaysa oo
Ka dhaadhici Buurta Sheekh

 

Ilaa Dhahar iyo Taleex
Gaadhsii dhan kastaba cadliga
Iyadoo isu dheellitiran
Dux iyo dheef haw sinmeen
Xilkiyo dhadhamada bulshadu.

 

Intaan ku dhalliili jirey
Dhammaan dawladdaydi hore
Adaa dhaafiyoo ka daray.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker