Madaxda Reer Galbeedku Dareen Noocee Ah Ayay Ka Bixisay Brexit-ka La Gaadhay

Madaxda reer galbeedka ayaa dareen kala duduwan ka bixisay ka bixitaanka UK ee midawga Yurub oo ay saacado ka hadhsan yihiin waqtigii loo cayimay waxana dareenada ugu waawayn ka mid ahaa:

MARL BILDT, RAYSAL WASAARAHII HORE EE SWEDIN

 

“Waxa ay ahayd 1962 markii Dean Acheson uu yidhi halhayskii caan baxay ee ahaa Britain waxa ay lumisay Boqortooyo-nimadii, waxana ay u horseeday inay ku guuldareysato inay kaalin ka hesho dunida.

 

Tobonaan sano ka daib waxay heshay Midawga Yurub oo ay kaalin ay dunida iskugu muujiso ka heshay, guul ayayna gaadhay, balse waxay iskeed u go’aansatay inay ka baxdo Yurub nus qarni kadib, hada? Runtii qofna ma garanayo waxay ku dambaynayo, waxa kaliya ee la ogyahay waa in ay goobada dib ka soo bilaabayso ”

 

DONALD TUSK, MADAXWEYNAHA MIDAWGA YURUB

“Saaxiibbadayda qaaliga ah ee reer Ingiriis waxaan leeyahay waan ahayn, waan nahay, Waligeena waxaan ahaan doono bulsho isku dhow, taasna waa mida aan ogahay in aanay waligeed Brexit badali doonin”

 

MICHEL BARNIER ERGEYGA WADAHADALADA MIDAWGA YURUB

“Maanta maankaygu waxa la socdaa lana murugoonayaa malaayiin muwaadiniin Ingriis ah oo iyaguba murugeysan, una murugoonaya sida aan aniguba u murugaysanahay”

MIKE POMPEO XOGHAYAHA ARIMAHA DIBADA MARAYKANKA

 

“Dadka reer Britian maxay rabaan inay ka baxsadaan maamul xumadaa ka socda Brussels (Xarunta Midawga Yurub). Waxay rabeen in awood u yeeshaan inay kaligood go’aan gaadhaan. Waxaan anaguna la rabnaa daka reer Britain waxa ay rabaan oo taas ah”

 

NICOLA STURGEON RAYSAL WASAARAHA SCOTLAND
“Caawa, UK waxay ka bixi doontaa midowga yurub. Waxay noqon doontaa daqiiqad murugo wayn ku reebta inteena badan ee ku sugan UK. Halkan Scotland, anaga oo tixgalinayna rabitaanka dadka badan ee UK, hadana dadka reer Scotland oo hore ugu codeeyay in Midawga Yurub laga sii mid ahaado, Murugada haysta waxay isku badali kartaa xanaaq”

 

 

Iyada oo hadalka sii wadata ayaa haweenaydan Raysal wasaaraha ka ah Scotland waxa ay intan raacisay “Anagu waxa aan rabnaa inaan diirada saarno waxa ka muhiimsan waxa caawa la filayo, Waxaanan Scotland u rayanaynaa mustaqbal ka duwan kana wanaagsan kan… caawa kadibna, mustaqbalka Scotland waxa uu ku xidhan yahay Xoriyad ay kaga madax banaanaato Britain”

 

raysal wasaarahii qabtay aftidii Brexit sanadkii 2016, taas oo xisbigiisa lagaga adkaaday sababatayna inuu is casilo, waxana isaga oo hadalka sii wata uu intan ku daray

DAVID CAMERON, RAYSAL WASAARAHII HORE EE BRITAIN

 

“Sida iska cad waa maalin aad ku weyn dalkeenna,” ayuu yidhi Cameron, oo ahaa “Waxaan hore u aqbalay natiijadii aftida ay dadka reer UK dhiibteen, waxaanan ogaa in maalintan ay iman doonto. Waxaan ka mid nahay dalalka ugu dhaqaale wanaagsan adduunka … waan ku guuleysan karnaa wixii aan isku raacnay ee ahaa Brexit, waananan hubaa in guulaysan doono. ”

TONY BLAIR, RAYSAL WASARAHII HORE EE BRITAIN

“Intii aan talada hayay waan ka soo horjeeday Brexit iyo dhamaan siyaasadaha damacsan Brexit. Waxaan wali si qoto dheer uga qoomameynayaa, siyaasad ahaan iyo shucuur ahaanba Jidka uu dalkaygu cagta saaray… balseBrexit way dhacaysaa, waxa ka dambeeyana waa in aan u midawnaa in aan ka midho dhalino go’aankii ahaa inaan iskeen isku taagno, rajo wanaagsan ayaa muuqata, waana in aan garbaha isku qabsanaa difaaca doonida dadkeena”

HOGAAMIYAYAASHA MIDAWGA YURUB

“Anaga ahaan, haddaanu nahay Madaxweynayaasha saddexda hay’adood ee EU-da ugu sareeya, maanta waxaa maalin aan la iloobi doonin oo shucuurtayadu ay isku qasan tahay, sida ay qabaan dad badan oo reer UK ah, waxaan xusuusnaan doonnaa Boqortooyada Ingiriiska iyo dadkeedaba, gaar ahaan hal-abuurnimadoodii, xariifnimadoodii, dhaqanka iyo caadooyinkoodii, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ahaa guushii midowgayaga”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker