Dawladda Ruushka ayaa sheegtay in ay si dhow isha ugu hayso magaalada Dekedda leh ee Berbera

Dawladda Ruushka ayaa sheegtay in ay si dhow isha ugu hayso magaalada Dekedda leh ee Berbera si ay saldhig millatari uga dhigato.

Wargeyska ka soo baxa dalka Mareykanka ee New-York Times ayaa toddobaadkan lagu qoray maqaal dheer oo ay kaga hadlayaan farogalinta Ruushka ee qaaradda Afrika.

“Saraakiisha Ruushka ayaa isha ku haya inay saldhig ka samaystaan dekadda Berbera ee xeebta Somaliland, oo ah maamul iskii ugu dhawaaqay madaxbannaani kana mid ah Soomaaliya oo ku yaalla gacanka cadan, sida laga soo xigtey saraakiil ka tirsan waaxda difaaca (Ruushka). Maraykanka iyo Shiinaha oo labaduba saldhigyo ku leh Jabbuuti ayaa xuduud dhinaca badda ah kala wadaaga dekaddan uu Ruushku mustaqbalka ka dhex arkay.” Sidaas waxaa qortay Newyork Times.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker