WAA KA DAROO DIBI DHAL HADDII DUMARKA BAARLAMAANKA SOMALILAND 30% LA SIIYO.
Waxay Somalidu tidhaa QOFKA AAN WAXA JOOGA GARANIN WAXA SOO SOCDA MA GARTO. DAD BADAN OO PROFESSORS AH IYO AQOONYANO REER SOMALILAND AH ayaa si qoto dheer ula socda xaalaadaha wadanku galay tobankii sano ee u dambeeyey . Waxaanay rumaysan yihiin haddii Dumarka 30% la siiyo Baarlamaanada inay wax hagaagayaan. Waxa jira waa khaasatan laga bilaabo Institutions kii oo si private ah loo isticmaalay, laga bilaabo Madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisu xoolihii badh kenya gaysteen,badh UK, badhna Imaaraatka Carabta, intaa kumay joogine wasiiradiii kusii daayey Qasnadii Wasaaraddaa oo mid walba waxaad leexsan karayso leexso yidhi. BAARLAMAANADII OO LA FASAHAADIYEY OO FOODKII SHARCI SAMAYN TA IIB KII XOOLAHA OO KALE LAGA DHIGAY OO WELIBA SAYLAD WAALAN LAGA DHIGAY. WELIBA XOOLAHA IYO DANTA GUUD HA LA GURTEE WAXAA LA GELIYEY WAX AAN WADANKA FAAIIDO UGU JIRIN. Badh debedahaa loola cararay badhna hotels iyo Dhul kumaankun lagu dayray ayaa meel walba laga sameeyey. Berbera ayaan xeebta dhinac walba u raacay iyadoo madaxda Magaaladu u tusayaan baloogyada waaweyn iyo dadka kala leh, waxaa la I lahaa TAN OOMAARBAA LEH TAN SIILAANYO AYAA LEH, TAN INA AWSAEED BAA LEH TAN MAAYARKAA LEH TAN MUSE BIIXI BAA LEH TAN AAMINA WERISBAA LEH TAN DAHABSHIILBAA LEH, TAN XOORXOORBAA, TAN DAN DALABBBAA LEH , TAN QOLADA GAASTAA LEH ILAA BULLOXAAR WAA DAYRARKAA SHAYDAAN. MID WALBA in ka badan konton kun oo USD ah baa lagu dayray. Dadkan waxaa ku dhacay cudurka la yidha MANSION MANIAC. Dawlado Carab iyo reer Europe ah oo intay yimaadaan warshado kaaga samaynaysaa ma jiro, cid wadaniya oo iibsankartaa ma jirto waa lacag khasaartay iyo dhul la cadilay. Lacagtuna gidigeed waa lacagtii Wasaaradaha ee dalku lahaa. Nin walba oo dayrarkaa ootay xitaa kontansano sii mootanaadaan dayrarkaa wax lagu falayaa ma jirto.