DAGAALKII XIDIGAHA EE 1964KII & GABAYGII ABWAAN QAASIM: XIDIGTA DAGAARI (GABAY)

Abwaanku alle ha u naxariistee wuxu gabaygan tiriyey taariikhdu markay maraysay badhtamihii sanadkii 1964kii kadib markii uu arkay doorashadii dawladii rayidka ahayd somaliya ee madaxnimada, markii la furay asxaab iyo ururo aad u badan oo loo samaystay qaab qabiilaysan oo reeraysan.

Qabyaalada shaacday ee faaftay marku arkay iyo dadkii shalay midaysnaa oo maanta qabiil u ololaynaya ayuu qaadan waayey dhibkii loo maray midnimada umada somaliyeed iyo sida looga duway tubtii haboonayd ee ay ku hagaagsanayd.

Gabayaagu wuxu gabaygan inoogu sheegayaa ama ku hoga tusaalaynayaa dadka soomaliyeed sida aduunku hore ugu socday qaybaha kala duwan ee horumarada, Wuxuu abwaanku alle ha u naxariistee ku bilaabayaa oo sharraxaad ka bixinayaa sida adduunku u hore-maray, halka la higsanayo ee dadku horumarka doonayaa ay u socdaan, dedaalka loogu jiro in dayaxa la tago oo lasoo taabto meerayaasha aduunka kuwa ugu dambeeya iyo guud ahaan in la dul tego daayaxa guudkiisa iyo aqoonta iyo halka ay marayso.

Wuxu si dhab ah inoo dareensiinayaa tartankii dhexmaray quwadaha aduunka ee xiligaa kaas oo gaadhay in loo baratamo dayaxa guudkiisa.
Waxa berigaa caan baxay dayax gacmeedkii ugu horeeyey ee (isbootnik) la odhan jiray ee ruushku u direy dayaxa guudkiisa, waa dayax gacmeedkii ugu horeeyey ee loo diro dayaxa taariikhda aduunka ee qaada wax nool waxaanu siday eygii caanka ahaa ee la odhan jirey (leyka) nasiib daro se eygaas waa uu dhintay intuu dayaxa ku sugnaa nololna dhulka lamuu soo gaadhin.

Qofkii ugu horeeyey ee dayax gacmeed raaca wuxu ahaa gaashaanle ruush ah oo la odhan jirey (yuuri gaagirin) wuxu raacay dayax gacmeedkii (vostok I) la odhan jirey dayax gacmeedkaas oo la direy 12kii april sanadkii 1961kii waxaanu dhulka kusoo wareegay hal mar waxaanay ku qaadatay saacad iyo 48 daqiiqadood waxaanu dhulka kor uga kacay 113- 203mayl si nabad ah waa usoo laabtay.

Isla sanadkaa 1961 waxa hadana ruushku direy dayax gacmeed uu saarnaa gaashaanle TITOF oo isna raacay dayax gacmeedkii hore isbootnik wuxu dhulka kusoo wareegay 17 wareeg iyo badh wuxuuna ku maqnaa 8-9 bisha AUGST, 1961 waxaanu dayax gacmeedkaasi kusoo laabtay si nabad ah.

Abwaanku alle ha u naxariistee wuxu ahaa mid aqoon dheer u leh guud ahaan aqoonta aduunka wuxu ka warhayey dayax gacmeedyada sahank ah ee aduunka maqan wax ka soo ogaanaya, sanadkii 1962 ayaa dawlada maraykanku bilawday mashruuc loogu magacdaray (mashruuca merkuri) kaas oo kii ugu horeeyey lagu tegay meeraha 1aad ee meerayaasha kaas oo la yidhaa (mercury) waxa dayax gacmeedkaa cirbixiyey gaashaanle shebberd waxaanu maqnaa sided daqiiqadood, wuxuuna dhulka kor uga kacay 115mayl, sidoo kale john geln (joon gelen) oo isna raacay dayax gacmeedkii (friendship) wuxu dayaxa ku sameeyey sadex wareegay.

Markaa kadib waxay noqotay wado la Mari karo oo aduunka oo dhan ay gaadhi karaan hadaba abwaanka oo arimahaas ku baraarugsanaa ayaa wuxu gabaygan inoogu sheegay in la dhaafay xidigaha kuwooda fog-fog ee somalidu dagaari u taqaan, sidoo kale wuxu Somali u sheegayaa in la dhaafay duqudii samada lagu sheegi jirey oo la gaadhay cir jiidhii.

Dabaylaha rag baa yaqaan sida ay ku yimaadaan dhinacyada kala gedisan ee ay kasoo kala dhacaan wada loo maro wuxuuna yidhi:
Dayaxaa la kala boobayaa iyo dirirkii cawleede
Dabagaabihii laga carar duniba yeelkeede
Xiddigtii dagaariyo la dhaaf diillintii Guray’e
Dibbaa laxaha loo eegayaa sacana waa daafe
Duqii samada lagu sheegay iyo dide cirjiidhiiye
Dabaylaha ragbaa kala yaqaan dawga loo maro’e
Hadba waqalka dihin Ruushku waw-doogsin cararaaye
Daruuraha la weeraray Nin ogi dib uga faallooye.

U fiirso tusaalayaasha runta ah ee uu abwaanku inoo soo bandhigayo oo Ina tusinayo.
Wuxuu dadka u sheegayaa xiligaa taariikhdu maraysay 1964-kii in Ruushku samada u socdo, oo dayax gacmeedyo u diray si ay u soo sahmiyaan culuumta ku duugan ee eebe weyne kaligii ogyahay, wuxu abwaanku inoo tilmaamayaa in dawlado badan oo kal ena ay xiddiga higsanayaan.

Waxaynu xasuusannahay Dagaalkii xidigaha ee sanadihii siddeetamaadkii dhexmaray quwadihii aduunka markaa ku loolamayey ee dawladii Ruushka iyo dawladii Maraykanka, hadaba aragtida Abwaan Qaasim oo xilligaa ahaa nin dhallinyaro ah, wuxuu doonayey oo soomali tusayey in dawladahaa horumarka u istaagay lala tartamo, waana guubaabo ilaa maanta nool.

 

Abwaanku wuxu Intaa marka uu dhaafo qeexayaa halka isaga iyo dadkiisii ay ka taagan yihiin nolosha iyo horumarkeeda.

Wuxu sheegayaa in Somali hawdkeedii iyo dhirtii hadhka waynayd ku nooshahay oo aanay nolosha waxba kusoo kordhin, wuxu sidoo kale tilmaamay in dhulkii wali cadow joogo, wuxu inoo sheegay in Somali wali biyaha dawarsato halka aduunku haqabeelka ka gaadhay, wuxu intaas oo tilmaamo ah ku soo gabogabaynayaa waliba dhar la’aan lagu joogo oo aanay wali helin cid dhar u samaysa, waxa kale oo intaa ku darayaa in wadanka lagu dhib qabo halka aduunku hore u socday oo inagu qabyaalad aynu dib ugu noqonay wuxu yidhi isagoo arimahaa tilmaamaya:
Nin da’dii halkaa gaadhay oo daallanbaan ahaye
Hayeeshee dabkeedu ha ba’ee doqoni waa mooge
Daab godina sooma jarin wiilashaan diraye
Halka dunida lagu geeddi yahay deyiba maayaane
Ma daadihin rashiid maatidaan daad guraye
Umaddii daryeel weli mahelin daacadda ahaaye
Sidii bay u dooyeysantahay damashii weyneyde
Sidii bay duleedada dharli’i ugu dabjeexaane
Sidii baa du’dada aar dhiciyo dacaw u joogaaye
Sidii baa dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha’e
Sidii bay docu aqalladii uga daloolaane
Sidii baa darroorimada iyo daad u gelayaaye
Sidii baa degmadu ceelashii ugu darleeftaaye
Sidii baa ducaaloow! biyaha loo dawariyaaye
Sidii bay u daba goosi tahay haradii Dooloode
Oo weliba dibindaabyo-iyo diriri joogtaaye

Tuducyadan soo socda wuxu abwaanku inoo sheegayaa in diracyadii, geesiyadii Somali axmaar dareersaday, oo aanu wali arag dawladii uu Somali la rabay, wuxu soo kale sheegayaa in maamulkii ingiriiska iyo kii Somaalidu aanu waxba ku kala duwayn oo keliya midabkii cadaa tegay mid madoobina daartii galay, wuxu arkay in raadkii hore dib loo raacay oo dawladnimadii laga baydhay, gebogabada wuxu Somali eebe weyne u weydiinayaa in uu laydh caafimaad siiyo dawga saxda ah tusiyo wuxu yidhi abwaanku:
Waakaa dareersaday Axmaar dayr cadkii dhalaye
Danbi ku hadli maayo’e ma’arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka soomaalibaad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waadirkii Karal’e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan deyeysanahay miyaan dawgii ka habaabay
Waxba hadalku yuu iladurkine waxan ku soo duubay
Mar uunbuu dafsoo odhan nabsigii diinku soo sidaye
Mar uunbay daruur caafimaad dooxa soo rogiye
Dirridaa abaarta ah marbaa doog kasoo bixiye
Dibjirkiyo reer miyigu marbay daasadaa qubiye
Mar uunbuu digiigixan raggii daalanaan jiraye
Dibnihii shakaallaa marbaa dooda loo furiye
Markaasaa la daydayan xaqii naga dahsoonaaye.

 

W/Q: Cabdirisaaq Axamed Cigaal (Darwiish)

Cabdirisaaqdarwiish72@Gmail.Com Ama 0634240189

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker