Xuduudda badaha ee caalamiga ah

Haddii aynu eegno axdiga badaha caalamiga ah ee Geneva “United nations convention law of the seas” ee la saxeexay 1973 iyo 1982 waxa kaabis iyo wax ka bedel lagu samaeyay 1994 iyo 2013 sharcigan waxa uu ka koobanyahay 321 qodob. wuxuu dhigayaa in wadan kastaa u madax bananyahay xuduudda baddiisa si la mid ah berrigiisa,waxa uu sharcigani qeexayaa in waddan kasta lagu ixtiraamo xudduuda baddiisa.

Waddan kastaa xadkiisu waxa laga bilaabaya xeebta illaa 12(Neutical mile) oo u dhiganta 22 km waxa loo yaqaan (Territorial water) waxay la mid tahay berrigiisa madaxbanaani buuxda ayuu waddanku u leeyahay wixii yimaadda waxa qabanaya qawaaninta dalka nooc kastaba hadday tahay ama cashuur ha ahaato ama xukunka kaleba.

Marka hore loo sii socdo 12(Nautical mile) oo u dhiganta 22km waxa loo yaqaan aaga (Contaguios) ama biyaha labaad ee waddanka waxana waddanka xeebta lihi xaq u leeyahay inuu ka eryo ama qabta wixii xad gudub wada sida Qashin ama wasakhayn, muhaajiriin,budhcad ama koontraband waxas oo dhan waddanka xeebta lihi xaq ayu u leeyahay inuu waajibkiisa ka maro si waafaqsan Qodobka (33) ee sharciga badaha ee caalamiga ah.Gaadiidka iyo maraakiibtu si nabad ah ayay u marayaan wixii aan hab quusid ah (Submarine) ku marayn ama aan ahayn military waxa looga baahanyahay in gaadiidka marayaa calaamad lahaado ama calanka waddankisa uu sito si loo garto weelka halkaas socdaa waxa uu yahay iyo nooca uu yahay iyo ciidda leh

Waxa ku xigta 200 Nautical mile oo u dhiganta 350 km waxa loo yaqaan Economic zone(Exclusive Economic zone EEZ).sida ku xusan qodobka (56) ee shuruucda badaha waddankan xeebtan leh ayaa xaq u leh wax kasta oo khayraad ah oo ku jira aagan sida;-

Kalluumaysiga,macdanta,shidaal qodista iyo wax kasta oo cilmi baadhis ku saabsan,waxase waddamada kale xaq u leeyihiin in maraakiibtu six or ah u maraan waxa kaloo waddamadu ay dhigan karaan xadhkaha Cable ka iyadoo dabcan la is ogaysiinayo.

Halkaas wixii ka sii bilaabma oo laga gaadho ilaa iyo halka ugu gunta dheer badda hoosteeda waxa loo yaqaan khanka Qaaradda ka dhexeeya ama (Continental Shelf) waxa nabadgelyadiisa ka masuul ah waddanka xeebta leh. sida kale qaaradda ama waddamada ayaa iska kaashan kara wixi howl ah ee ku saabsan ama ka soo kordha.

Intaas wixii ka shisheeya waxa loo tixgelinayaa biyaha caalamiga ah ama badda sare(High sea) waa  aag adduunka oo dhan ka dhexeeya wixii halkaas ku saabsan nooc kasta oo ay tahayba waxa loo tixraacayaa Axdiga Qaramada midoobay ee xeerka badaha caalamiga ah (United Nations Convention law of seas UNCLOS).

Waxa jira waddamo aan saxeexin ama aan qayb ka noqon heshiiskan badaha ee Caalamiga ah,waddamadani waxay leeyihiin annagu waxanu leenahay gasiirado(arghipelago) sidaas darteed cabbirka ha nalooga bilaabo gasiiradda aanu leenahay ee ugu fog.waddamadas waxa ka mid ah maraykanka iyo Canada.UNtu way ka ogolaatay arrintaas 1982kii

Haddii aynu xagga Somaliland ka eegno waa xaalad gaar ah juquraafi ahaan iyo siyaasad ahanba.sida loo xisaabtamayaa oo dabcan badda Somaliland maaha Badweyn ee waa gacanka badda Cas waxay xuduud ka leeyihiin Dalka yemen oo Matalan Berbera iyo Mukulla waxay isu jiraan (140 neutical mile) sidaas darted Biyaha koowaad,iyo biyaha labaad marka laga tago Biyaha Sadexaad oo loo yaqaan Aagga (EEZ) exclusive economic zone waxa qaybsanaya Yemen iyo Somaliland oo Lama helayo cabbirkii loo baahnaa juquraafi ahaan,sidoo kale waa meel xasaasi ah markaas uma bahna muran ee waa wax u baahan wada tashi hadday tahay dowladaha gobolka sida Somaliland,jabuuti iyo yaman ama adduun weynaha kaleba.

Hore waxa u jiray Sharci xukuumaddii hore ee Somalia ay saxeexday 1972kii kaas oo dhigayay in EEZ Somalia uu yahay sida ku saxeexan axdiga qaramada midoobay xattaa dhinaca Yemen xigta,hase ahaatee sharcigaas wuxuu meel mar noqon waayay markii ay Somaliland ka go’aday Somalia inteeda kale oo Juquraafi ahaan ayaan saamaxayn maadama badda yemen iyo Somaliland u dhaxaysaa tahay Gacanka badda cas oo ka soo leexda Badweynta Hindiya,masaafo ahaana ay labada dal isu jiraan 140 neutical mile oo keliya.

haddaba haddii aan u soo noqdo arrinta xadhkaha jabuuti ay adhigayso badda cas oo ah Biyaha Sadexaad oo ah aagga loo yaqaan “Economic zone” Jabuuti oo keliya maahee xatta dalal kale way dhigan karaan xadhkaha Cable hab la isla ogyahay si aanau shaki u iman.sidoo kale wixi khayraad ah ee ku duugan aaggaas EEZ loo yaqaanon waxa wadaagaya Somaliland iyo yemen oo waxa isa soo gaadhay xadka. mar kastana waxa muhiim ah wada shaqaynta.

Tixraac;

https://www.un.org/depts/los/convention_agreements/convention_overview_convention.htm

Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

khadarsalaan@mail.com

Har.Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker