Somaliland Oo Kulan Deg-deg ah ka Yeelatay Cudurka ka Dilaacay Shiinaha Ee Dunida ku Fidaya

Xukuumada Somaliland ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay cudurka halista badan ee ka dilaacay dalka Shiinaha, kaasi oo ku sii fidaya dunida.

Kulankan deg deg ahaa ayaa waxa si gaar ah u wada yeeshay howl-wadeenada caafimad ee Wasaarada caafimaadka Somaliland, waxaana shir gudoominayey Wasiirka caafimaadka, Cali Cabdilaahi Bade.

Waxaana looga hadlay sidii looga hortagi lahaa Xanuunkan cusub ee ka dilaacay Shiinaha ee lagu magacaabo ‘Corona Virus’, kaasi oo ku sii fidaya wadamo kale oo badan, iyadoona kiisas xanuunkaasi looga shakisan yahay lagu qabtay Itoobiya.

Wasiirka iyo Agaasimayaasha wasaarada ee ka qeyb galay kulankaasi, ayaa isla qaatay in xooga la saaro sidii loo hubin lahaa dadka ka soo dagaya madaara Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Waxaana ugu dambeyntii Kulankaasi lagu sheegay in wasaaradu ay si dhow ula socoto marxaladaha iyo heerka uu marayo cudurkaasi dhowaan ka dilaacay dalka Shiinaha.

Somaliland ayaa hore u sheegtay in cudurkaasi ay ka feejigantahay, isla markaana ay qaadi doonaan talaabooyin ay uga hortagayaan in xanuunkaasi uu u soo gudbo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker