Baraha Bulshada Soomaalida Iyo Todobaadkan: ‘Before and After’ Ama ‘kahor iyo kadib’

Waxaa baraha bulshada Soomaalida ka socda xujo-fur ama waxa loo yaqaano Challenge, iyada oo dadka ay isku xujeynayaan in qof kasta uu soo dhigo sawir sanado badan ka hor ah iyo mid hadda ah, waxaana loo bixiyay ‘ka hor iyo ka dib’ ama ‘Before and After’ oo ah sida ay ku tahay luuqada English-ka.

Lama oga qofka bilaabay baratanka xujo-furka ah, balse waxaa xaqiiqo ah in uu soo jiitay dareenka dadka isticmaala baraha bulshada, wuxuuna dhaliyay maad iyo qosol badan.

Waxa uu qosolka yimaaddaa gaar ahaan marka labada sawir ee uu qofka soo dhigay ay aad u kala fogyihiin, iyada oo caadiyan sawirka hore ay qofka ka muuqato diif iyo duruuf aad u badan, halkan sawirka dambe uu yahay qof naaxsan iyo quruxsan.

Arrin kale oo maad dhalisa ayaa ah dharka uu ku labisanyahay qofka iyo waliba qaabka uu sawirka u galay, taas oo dabcan casriga la socotay.

Inta badan sawirrada waxaa lagu galay meherada sawirrada lagu galo oo hadda intooda badan suuqa ka baxay tan iyo markii ay taleefoonada casriga ah arlada soo galeen.

Marka laga tago maadda, sawirradan waxa ay muujinayaan casri dahabi ah oo ay Soomaalida soo martay, iyo taariikh halgan nololeed oo dhib badan ay dadka soo mareen.

Dadka sawirradooda soo dhigaya waxa ay badan yihiin dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 18 jir illaa 40 jir, muuqaalada ugu fogna waa 1980-kii iyo wixii ka dambeeyay, xilligaas oo uu biloowday burburkii dowladdii Soomaaliya, dadkuna bilaabeen in ay qaxaan.

Sawirkan sare oo noqday sawirada ugu xiisaha badan waa maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker