Somaliland Oo Ciidamo Hor Leh Gaysay Aaga Tukaraq Iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo Inuu Mar kale ka Qarxo.

Wararka Anu  ka  helayo jiidda hore ee Ciidamada Qaranka Somaliland Tuko raq  ayaa Sheegaya in Dawladda Somaliland ay Ciidamo dheeri ah Gaysay Deegaankkasi .

 

Ciidamada soo gaadhay aagga  Tukaraq oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gawaadhida dagaalka ayaa ku biiray ciidamada Somaliland ee halkaas ku sugnaa, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal dhex maro ciidamada Qaranka Somaliland iyo kuwa  Maamulka Somaliyeed ee Puntland.

 

Ciidamada soo gaadhay deegaanka Tukuraq ayaa kusoo aadayo xilli shalay uu halkaas gaadhay Abaan-duulaha Ciidamada Somaliland S/Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulllaale, waxaana safarkiisa ku wehlinayay saraakiil kale .

 

 

Sareeye Guuto Cabdirisaaq ayaa ciidamada ku sugan aagga hore  kula dardaarmay inay dalkooda u dhintaan isla markaasna ay xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Puntland.

 

 

Dhanka kale ciidamada Puntland ayaa iyagana bilaabay dhaqdhaaq ciidan oo xooggan, waxaana laga yaabaa in mar kale ay isku gacan qaadaan Somaliand iyo Puntalnd.

 

 

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa deegaankani ka dhacay Dagaalo ay ka dhasheen Khasaare Naf iyo Maalba leh.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker