Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha & Manchester United Oo Xalka Dhibaatada Haysata Ka Raadinaysa Alexis Sanchez

Manchester United ayaa go’aan cusub ka qaadatay mustaqbalka laacibka amaahda kaga maqan ee Alexis Sanchez, kaas oo laga diray Old Trafford 18 bilood oo kaliya markii uu joogay.

Laacibka reer Chile ayaa ku fashilmay inuu la qabsado Manchester United oo uu January 2018 uga soo wareegay Arsenal, waxaaana 45 ciyaarood oo uu u saftay uu dhaliyey kaliya shan gool, waxaanay taasi keentay in amaah loogu diro Inter Milan oo iyaduna kaydka ku haysa.

Sida uu qoray wargeyska The Daily Star, Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay dib usoo celiso Sanchez dhamaadka xili ciyaareedka, isla markaana ay siiso fursad kale oo uu isku muujin karo, waxaana illaa hadda niyadsamaan badan u haya Guddoomiye ku-xigeenka, Ed Woodward oo ku wargeliyey wakiilka Sanchez in aanay Red Devils doonaynin inay fasaxdo laacibkan.

 

Daawo: Falan-qaynta Ciyaaraha & Manchester United Oo Xalka Dhibaatada Haysata Ka Raadinaysa Alexis Sanchez Halkan Hoose Ka Daawo:

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker