Dhegayso: War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Kulanka Madaxda dalalka Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaliya

Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa war-murtiyeed ay kasoo saareen magaalada Asmara oo ay Shalay ku kulmeen ku sheegay inay Doonayaan in la Aasaasao Iskaashiga Geeska Afrika oo ilo diblomaasiyadeed sheegeen inuu yahay iskaashi Cusub oo Goboleed.

 

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa War-muritiyeed ay soo saareen ku sheegay inay ku heshiiyeen inay kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga miro-dhalin lahaa fikirkaasi iskaashiga cusub ee Gobolka Geeska Afrika.

 

 

Waxay sheegeen Saddexda Hoggaamiye inay isla qaateen qorshe waxqabad ee sannadkan 2020-ka iyo wixii ka dambeeyaba, kaasi oo diiradda saaraya laba hadaf oo kala ah xoojinta nabadda, degganaanshaha iyo amniga, iyo kobcinta dhaqalaha iyo horumarinta bulshada.

 

 

Dhinaca amniga waxay sheegeen Sadedxda Hoggaamiye inay ku Heshiiyeen inay la dagaalamaan isla markaana Baabi’iyaan halista uu Gobolku wajahayo ee dhinaca Argagisixsada, isku socodka hubka iyo maandooriyayaasha.

 

 

Warkaas oo dhamaystiran Waxaa Sharaxaya Agaasimaha Warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed. Ee Halkan Hoose ka Dhagayso :

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker