Somalia Oo Xajisatay Kaalinta 1aad Ee Wadanka Ugu Musuq-maasuqa Badan Aduunka

Soomaaliya ayaa markale Xajisatay Booskeeda Musuqmaasuqa Dunida, taas oo la micno ah in ay kaalinta koowaad gashay oo ay Noqotay dalka ugu musuqmaasuqa badan Aduunka, sida lagu sheegay liiska Sanadlaha ah ee la magac baxay (Corruption Perceptions Index )ee magaciisa loo soo gaabiyo (CPI) ee la soo saaray sanadkii tagay ee 2019.

 

 

Liiskan oo ay Sanad walba soo saarto Hayada Transparency International (TI) ayaa waxa qiimayn lagu sameeyaa Heerka musuq-maasuqa lagula kaco Adeegyada bulshada ee 180 Waddan oo dunida ah.

 

 

Sida laga soo xigtay TI, sharciga liita ee ka jira Somalia ayaa abuuray fursado badan oo wax lagu musuqo, muquqmaamuquna waa mid baahay oo ka bilawda “laaluush yar yar ilaa musuqmaasuq siyaasadeed oo heerkiisu sareeyo”.

Hay’adda Transparency International waxay ku baaqday in la dhiso hanaan sharci oo lagu dabo-galo musuqmaasuqa kaas oo ku salaysan “isla-xisaabtan”.

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore ku gacan saydhay warbixin tan la mid ah oo musuq la xidhiidhinaysay Somalia, waxana ay ku tilmaantay warbixin aan waxba ka jirin oo been abuur ah, waxana uu Wasiirka Maaliyadda ee Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Beyle horey ugu hanjabay inuu dacweyn doono Transparency International.

Somalia ayaa dhawaan horumar ka sameeyay wadahadalo ay la yeelatay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka oo ku saabsanaa dayn cafiska.

KAALMA AY KALA GALEEB SIDEEDA WADAN EE UGU HORREEYA  HOOS KA AKHRISO

 

  1. Somalia (Corruption Perception Index Score: 9)
  2. South Sudan (Corruption Perception Index Score: 12)
  3. Syria (Corruption Perception Index Score: 14)
  4. Afghanistan (Corruption Perception Index Score: 15)
  5. Yemen (Corruption Perception Index Score: 16)
  6. Sudan (Corruption Perception Index Score: 16)
  7. Libya (Corruption Perception Index Score: 17)
  8. North Korea (Corruption Perception Index Score: 17)
  9. Venezuela (Corruption Perception Index Score: 18)
  10. Iraq (Corruption Perception Index Score: 18)

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker