Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Amniga Doorashada kala Hadlay Madaxda Amisom.(Sawiro)

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Maanta Magaalada dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug kulan kula qaatey Sarakiil ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM oo halkaas gaadhay.

 

 

Guddoomiyaha iyo Saraakiisha AMISOM ayaa intii uu kulanka socday ka Wada hadlay dhawr arrin oo ku Saabsan howlaha Doorashada Galmudug oo ka socdo Magaaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

 

Labada dhinac ayaa ku Heshiiyey in si wadajir ah looga wada qeyb Qaato sugidda Amniga Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan xilliga ay dhacayso Doorashadu madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada Galmudug.

 

Guddoomiye Gacal ayaa Saraakiisha AMISOM uga warbixiyey halka ay mareyso howlaha doorashada madaxweynaha Galmudug iyo khilaafka cusub ee soo kala dhex galay Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna.

 

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay taliska qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka, wuxuuna kulankaan kusoo aadayaa xilli uu meel sare gaaray khilaafka Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe oo isku heysta cidda noqoneyso hoggaanka guddiga Doorashada.

Warar aan laย  Xaqiij ayaa Sheegayaย  ย in Magaalada Dhuusamareeb uu kusoo Wajahan yahay Madaxweynahihii Talada laga eryay eeย  Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker