Dawlada Turkiga oo sheegtay In Somalia ay ku Casuuntay Shidaal Sahamin Dalkeeda Aanu ka Baadhno

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniinta sheegay in Soomaaliya ay Turkey ku Casuumtay inay Shidaal ka Sahmiso baddeeda, kadib markii Ankara ay Heshiis dhanka badda ah la gaadhay Libya Sanadkii Tegay, waxaa sidaas weriyey Taleefishinka NTV ee Turkey.

 

Isaga oo weriyayaasha la hadlayey xilli uu kasoo laabanayey Shir madaxeedka Arrimaha Libya ee ka dhacay Berlin, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Turkeygu Uuย  qaadi doonoย  Tallaabooyin waafaqsan casuumadda Soomaaliya, hase yeeshee ma bixin faah-faahin dheeraad ah.

 

 

โ€œWaxaa jira codsi ka yimid Soomaaliya. Waxay leeyihiin: โ€˜Shidaal ayaa ku jira baddeena. Waxaad howl-galladan ka fulineysaan Libya, balse waxaad sidoo kale ka sameyn kartaan halkan.โ€™ Tani aad ayey muhiim noogu tahay,โ€ Erdogan ayaa waxaa sidaas kasoo taleefishinka NTV.

 

โ€œSidaas darteed, waxaa jiri doona tallaabooyin aan qaadi doonno oo ku saabsan howl-galladeena halkaas.โ€

Turkey ayaa il gargaar oo weyn u ahayd Soomaaliya, wixii ka dambeeyey macluushii dhacday 2011, ayada oo Ankara ay raadineyso inay sare u qaaddo saameynta ay ku leedahay Geeska Afrika, si ay uga hortagto dalalka Khaliijka ee ay xifaaltamaan ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

 

 

Sidoo kale, Injineero Turkihs ah ayaa gacan ka gaysanaya dhismaha waddooyinka Soomaaliya, halka sarakaiisha Turkish-ka ay tababarayaan askarta Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dadaallo dib loogu dhisayo ciidamada dalka.

Turkey ayaa saldhigga ugu weyn ee ay ku leedaha dibedda waxay sanaddii 2017 ka furtay caasimadda Soomaaliya, ayada oo xoojineysa xiriirka ay la leedahay dalka Soomaaliya oo ah mid qalalaase ay ka jiraan balse muhiim ah.

 

 

Bishii November, Turkey ayaa heshiis dhanka badda ah la saxiixatay dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay, tallaabadaas oo ka carreysiiyey Qubrus iyo Greece. Athens ayaa waxay madaxa iskula jireen Ankara sababo la xiriira kheyraadka ku jira xeebta jasiiradda kala qeybsan ee Qubrus.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker