Dawladda Kenya Oo Shaacisay Tirada Macalimiinta Ee Alshabaab kaga Dishay Gobolka Waqooyi Bari.

Ururka  Al Shabaab ayaa gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari dalkaasi ku dilay tiro badan oo macalimiin ah oo wax ka dhigayay iskuulada halkaasi kuyaala, waxa ayna Taasi keentay in Gobolkaasi cabsi darteed looga saaro macalimiin badan.

 

Guddoomiyaha Guddiga Adeega Macalimiina dalka Kenya Nancy Macharia ayaa sheegtay waxii ka dambeeyay sanadkii 2014-kii Al Shabaab gobolka Waqooyi bari Kenya ku dileen 42-macalin oo Kenyan ah.

 

Nancy Macharia ayaana sheegtay sababaha macalimiinta Kenya gaar ahaan kuwa aan Muslimiinta aheyn looga saaray gobolka Waqooyi bari in ay tahay cabsida la xariirta weerada Al Shabaab ku beegsanayaan macalimiinta oo korodhay.

 

Warkan kasoo baxay Guddiga adeega macalimiina dalka Kenya ayaa kusoo aadaya xili siyaasiyiinta Waqooyi bari Kenya si adag u uga hor yimaadeen talaabooyinka macalimiinta looga saaray gobolkaasi.

 

Al Shabaab ayaana weeraro joogto ah ka fulisa gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, waxa ayna Al Shabaab inta badan beegsadaan ciidamada Kenya iyo sidoo kale macalimiinta iyo shaqaalaha kale aan muslimka aheyn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker