Ficil uu Sarkaal Turkish ahi ka sameeyay Garoonka Muqdisho oo Sababay Shaqa joojin ay Sameeyeen Qaar ka mida Shaqaalaha Garoonku

Muqdisho (OWN) โ€“ย Qaar kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, kadib markii mid kamid ah masโ€™uuliyiinta duulimaadka Muqdisho ee diyaaradaha, islamarkaana u dhashay Turkiga, uu dharbaaxay muwaadin Soomaali ah oo ka tirsan shaqaalaha garoonka.

Falka uu sarkaalka sare ee Turkish-ka kula kacay wiilka Soomaaliga oo ka tirsan qaybta taraafikada ee garoonka diyaaradaha, ayaa waxaa ka dhashay gacan ka hadal labadooda dhex maray iyo dood badan oo ilaa hadda ka taagan gudaha garoonka.

Dhamaan shaqaalaha taraafikada ee haga diyaaradaha ama diyaaradaha soo dagaya geliya baakinka ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, iyadoo ay halis gashay mid kamid ah diyaaradaha shirkadda Turkish Airline oo maanta ka soo degtay Muqdisho.

Qof ka tirsan shaqaalaha garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay, โ€œhalis wayn ayaa maanta dhacday waxaana isku baabiโ€™i gaaray diyaarado baakin ku jiray iyo diyaaradda Turkish Airline oo saakay soo degtay kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen shaqaalaha baakinka diyaaradahaโ€ ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha airport-ka Muqdisho ee Aadan Cadde.

 

 

Gacan ka hadalka dhaxmaray muwaadinkaan soomaaliga ah iyo sarkaal sare oo katirsan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho una dhashay dalka Turkiga ayaa ilaa hadda laโ€™ogeyn sababta keentay, balse waxay caasimada online ogaatay in labada qof uu dhaxmaray dagaal gacan ka hadal ah.

Xadgudubyada ka dhaca dekadda iyo airport-kaย  Muqdisho oo ay geestaan masuuliyiinta Turkida ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay caadi ka ahaa Soomaaliya, waxaana Turkida rag iyo dumarba u geestaan gacan qaad waqtiyada qaar sababa dhibaatooyin maskaxeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker