Xubno Kamid ah Gudidii Qabanqaabada Shirkii Beesha Ciise Muuse Oo Xabsiga La Dhigay

Gudida qaban qaabada Shirka Beesha Gobolka Saaxil ee laga soo Xidhay Deegaanka Laasacadawo ayaa diiday ina kabaxaan Saldhiga dhexe ee Berbera oo xalay lagu soo xidhay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Saaxil, Maayar Kuxigeenka Degmada Berbera Iyo Xoghayaha Maamulka Dawlada Hoose oo Saldhiga saaka goor hore utgay ayaa ugu baaqay inay kasoo baxaan si ay debeda ugu wada xaajoodaan waxase kaga war celiyeen inay cadaalad rabaan Maxkamadana lagu geeyo kiiska lagu soo xidhay ee lagaga baajiyay hawlohoodii shirka.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Saaxil oo isagu la hadlay gudigan Ciidankiisu xalay soo xidheen ayaa sheegay inuu amar ku shaqeeyo sababta xadhigooduna uu kasoo baxay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil imikana lagu amray inuu sii daayo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker