Taliban iyo Mareykanka Oo Wada-hadallo Ku Leh Magaalada Doha

Taliban ayaa diyaar u ah inay xabad-joojin 10 maalmood ah la gaaraan ciidamada Mareykanka, haddii ay heshiis ay la gaaraan wada-xaajoodayaasha Mareykanka ee ay wada-hadalka kula leeyihiin Doha.

Taliban ayaa sidoo kale diyaar u ah inay yareeyaan rabshadaha ka dhanka ah ciidamada Afghanistan, islamarkaana ay wada-xajaood la yeeshaan saraakiisha dowladda Afghanistan.

Haddii heshiis noocan ah la gaaro, waxay dib usoo nooleyn kartaa rajadii laga qabayo xal waara oo laga gaaro dagaalka Afghanistan.

Taliban iyo wada-xaajoodayaasha Mareykanka ayaa Arbacadii iyo Khamiistii kulmay, si ay uga wada-hadlaan saxiixa heshiis nabadeed, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay xafiiska Taliban ee Qatar.

Wada-hadallada waxay ahaayeen “kuwa miro dhal ah”, waxayna sii socon doonaan maalmo, sida uu sheegay afhayeen Suhail Shaheen, oo qoraal soo dhigay twitter,

Madaxweynaha Mareykanka ayaa wada-hadallada joojiyey bishii September kadib markii weerar ay fuliyeen Taliban lagu dilay askari Mareykan ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker