Raiisul wasaarihii Hore Somalia Nuur Cadde oo Asiibay Xanuunka Corona

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxay warar sheegaya in uu magaalada London ee dalka Britain ku xanuunsan yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Nuur Xassan Xusseen (Nuur Cadde).

 

Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Cade oo la hadlay BBC-da ayaa Xaqiijiyay in Aabihii uu ku jiro isbitaal ku yaala magaalada London.

 

Halkaasina lagu dabiibayo, kadib markii sida uu sheegay uu ku dhacay xanuunka dunida oo dhan aafeeyay ee corona.

 

 

“Xaaladda ra’iisul wasaare Nuur Cadde aad ayay u wanaagsan tahay, waxaan filayaa in bulshada Soomaaliyeed ay la socoto in uu xanuunsan yahay oo isbitaal ku yaala London uu ku jiro, halkaasina lagu daweynayo.

 

 

Xaaladiisana waa ay degan tahay hadda, London ayuu degan yahay, waxaana halkaas ku qabsaday feyraska corona”, ayuu yidhi wiilka Nuur Cadde.

 

Wuxuu intaa ku daray in xaaladiisa ay kasoo reyneyso, sababta isbitaalka loo geeyayna ay tahay in uu qabo xanuuno ay kamid yihiin macaankaa ama sonkorta, waxaana uu yidhi “sideed maalmood kahor ayaa lagu arkay xanuunka”.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay warar been abuur ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu soo qoray baraha bulshada.

 

 

kuwaas oo uu sheegay in aysan waxba ka jirin.
Sidoo kale xanuunka ra’iisul wasaare Nuur Cadde  waxaa ka hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre oo sheegay in xaaladda Nuur Cadde uu kala Xidhiidhay qoyskiisa.

 

 

“Waxaan alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London.

 

 

Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin”ayuu ku qoray baraha bulshada uu ku leeyahay.

 

 

Nuur Xassan Xusseen, Nuur Cadde ayaa Soomaaliya ra’iisul wasaare kasoo noqday dowladdii kumeel gaarka ahayd ee sanadkii 2007-da, waxaana uu lasoo shaqeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf (AU

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker