Qoyska Trump oo ku Kala.Qaybsamay Waxaa laga Yeelayo Diidmada Natiijada ee Donald Trump

Dadka ku xeeran Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump waxay bilaabeen inay ku kala jabaan diidmadiisa joogtada ah inuu aqbalo natiijooyinka doorashadii Maalmihii lasoo dhaafay Dhacday.

 

Iyadoo Jared Kushner iyo marwada Donal trump Melania Trump ay kula taliyeen in uu Aqoonsado natiijada doorashada iyo guusha uu gaadhay madaxweynaha la doortay ee Joe Biden .

 

 

Kushner, oo uu sodog u yahay Exย  Madaxweyne Trump isla markaana ahaa la taliye sare oo ka tirsan aqalka cad,

 

Ayaa Trump Ugu Baaqay inuu Aqbalo Natiijada Doorashada .

 

Sida Laga soo Xigtay Marwada Trump ayaa Saygeeda U Sheegtay in La Gaadhay Wakhtigii la Uu Odaygeedu Aqbalilahaa Natiijada.

 

 

 

Dhanka kale, labada wiil ee Donald, Jr iyo Eric, ayaa ku booriyay xulafada inay sii wadaan cadaadiska waxayna ku riixeen Jamhuuriyiinta iyo Taageerayaashooda inay si cad u diidaan natiijada.

 

Bayaan kasoo baxay saraakiishan ayaa lagu sheegay โ€œTani waxay aheyd doorasho si weyn loogu loolamayay balse sida ku xusan taariikhda waxaa jiray madaxweyneyaal xilka uu sii hayay oo kuwii ka guuleystay u fududeeyay xil wareejintaโ€

 

Waxaana kamid ahaa dadkaas baaqa u jeediyay Trump Saraakiil horey ula soo shaqeysay madaxweyneyaashii hore ee Mareykanka sida Bush, Obama iyo Clinton.

 

 

Waaxda guud ee adeegyada maamulka oo ah laan ka tirsan dowladda ayaanan weli si rasmi ah Biden u aqoonsan in uu yahay Madaxweynaha la doortay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker