Madaxwaynaha Maraykanka oo Amray In Dib Loo Baadho Weerarkii 11 September
WASHINGTON : Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar fulin ah oo uu ku amrayo Hay’adda FBI-da in ay kala shaandeyso dukumentiyada la Xidhiidha weeraradii argagixiso ee dhacay 11-kii September, 2001.
Amarkan oo soo baxay Jimcihii shalay ayaa taageero u ah qoysaska dhibbanayaashii Weerarkaas oo muddo dheer raadinayay diiwaannada dhacdadaasi oo ay filayaan in laga heli doono ku lug Lahaanshaha Weerarkaas ee boqortoyada Sacuudiga.
Baadhitaanno hore loo sameeyay ayaa lagu qeyxay in uu Xidhiidhka ka dhexeeyay muwaadiniinta Sucuudiga iyo qaar ka mid ah afduubayaashii diyaaradihii weerarka lagu fuliyay, inkasta oo aan la xaqiijin in ay dowladda Sacuudigu wax lug ah ku laheyd.