Shacabka Ciraaq Oo Loogu Baaqay In Ay Xoog Iskaga Saaraan Ciidamada Maraykanka

Xoghaye ku xigeenka dhaqdhaqaaqa Al-Najaaba ee dalka Ciraaq ayaa ugu baaqay shacabka dalkaasi inay  qaataan go,aan ay iskaga Xoreynayaan ciidanka Mareykanka.

 

Mr Naasir Al-Shamaari ayaa sheegay hadii uu shaqeyn waayo mooshinkii Baarlamaanka ay ku Mamnuuceen joogitaanka ciidanka Ajnabka ah ay taasi macnaheeda noqon doonto in shacabku Dagaalamaan.

 

Wareysi uu siinayay Tv-ga afka Carabiga ku hadla ee Mayaadiin ayuu u sheegay in Baarlamaanku  xitaa aan looga baahneyn in mooshin ay ka keenaan ka bixitaanka milatariga Mareykanka.

 

Al-Shamaari ayaa intaa ku daray in markii hore ay ku joogeen Ogolaanshaha Xukuumada loona baahan yahay in xukuumadu ay xuluto dalabka lagu Saarayo ciidanka Ajnabiga.

 

Todobaad ka hor ayay aheyd markii shirqool la soo maleegay ay ciidanka Mareykanka ku dileen Janaraal Qaasim Suleymaani oo ku sugnaa Agagaarka madaarka caalamiga ah ee magaalada Baqdaad.

Talaabadan ayaa dhalisay naceyb xoogan oo shacabka ciraaq ay u qaadeen Milatariga Mareykanka ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker