Lacag loo qaybinayo dadkii Xoolahooda ku Waayaay Dabkii suuqa Waaheen

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta Daah-furay wajigii labaad dhaqaalihii loogu talo-galay in la siiyo dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay masiibadii suuqa ee Magaalada Hargaysa.

Dhaqaalahan ayaa loogu talo-galay in la gaadhsiiyo ganacsatadii hayntooda dhaqaale ay u dhaxaysay $5000 ilaa 400.000 oo dollar kuwaas oo dhan 1016 qof, iyadoo la gaadhsiin doono lacag dhan lix Milyan, toddobo boqol, lix iyo lixdan kun, afar boqol iyo siddeed iyo toban dollar.

Munaasibada Dhaqaalahan lagu qaybinayey Wax kale oo goob joog ahaa Guddidayada Gurmadka Iyo taakulaynta suuqa Waaheen, Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada, Wasiir Iyo Masuuliyiin kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker