Ergayga QM ee Geeska Afrika oo ka hadlay Safarkiisii MuqdishO
Muqdisho (OWN) – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Afrika, Mr. Onanga-Anyanga oo dhowaan booqasho ku Tegay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey Socdaalkiisii Soomaaliya.
Mr. Onanga-Anyanga ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa mid uu ku indho indheynayey xaaladda guud ee Soomaliya, gaar ahaan amniga iyo Arrimaha doorashooyinka.
“Waxaan u Tegey Muqdisho anigoo dareemaya rajo ay ku dheehantahay awooda dadka iyo dowladdooda si ay uga gudbaan caqabadaha hada jira.” ayuu yidhi Ergeyga.
Sidoo kale Wakiilka Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika ayaa xusay in intii uu joogay Muqdisho kulamo uu la qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo heer Qaran ah iyo kuwo Caalami ah.
waxaana uu kala hadlay. Amniga, doorashooyinka, horumarka iyo gargaarka.
Ergeyga QM ee Geeska Afrika ayaa si gaar ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaacil Ibraahim (Xaliimo Yarey) kala hadlay arrimo ku aadan doorashada soo socota iyo kalsoonida lagu qabo inay noqoto mid hal qof hal cod ah.
“Doorashooyinku waxay noqon karaan geedi socod dib-u-heshiisiin Qaran, laakiin waxay sidoo kale horseedi karaan khilaafaadka, sidaa darteedna howlaha doorashada waa inay taageeraan Qaramada Midoobay.” ayuu yidhi Mr. Onanga-Anyanga.