Robert Prosinecki oo Qiray inuu Lionel Messi ka Fiican yahay Deigo Maradona

Lionel Messi waxa uu taagan yahay meel ka sarraysa bahda isboortiga dhamaanteed, waxaanu u yahay xiddiggii ugu fiicnaa abid isaga oo ka sarreeya Diego Maradona,

Ronaldo Nazario iyo xataa halyeygii kubadda kolayga ee Michael Jordan. Sidaas waxa rumaysan laacibkii hore ee Real Madrid iyo Barcelona khadka dhexe uga ciyaari jiray ee Robert Prosinecki.

 

 

Lionel Messi oo lix jeer loo doortay xiddiga ugu fiican caalamka, ayaa waxa uu Prosinecki oo soo wada xidhay funaanadda Real Madrid iyo Barcelona uu sheegay inuu u ciyaaro si ka duwan ciyaartoyda kale ee dunida oo ay tahay inaan cidnaba la barbar-dhigin.

Barnaamij documentary ah oo ah oo lagu soo bandhigo Netflix ayaa waxa uu dhowaanahan isbarbar-dhig ku samaynayay halyeygii kubadda kolayga ee ee Michael Jordan oo aan wali la haynin qof la yimaadda farsamooyinkii iyo xeeladihii uu kubadda kusoo kordhiyey iyo Lionel Messi.

Prosinecki oo ka falcelinaya barnaamijkaas ayaa waxa uu yidhi: “Way kala duwan yihiin kubadda kolayga iyo kubadda cagtu, laakiin Messi anigaa huba inuu yahay kan ugu wanaagsan.

“Waa ciyaartoy isbeddel ka samaynayey Barcelona sannado badan. Wuxuu ku guuleystay wax kasta oo uu hanan karayay. Wuxuu dhaliyey goolal badan, wuxuu sidoo kale sameeyey caawin badan, wuxuuna ciyaaraa kubbad ka duwan ta ciyaartoyda kale dheelaan.

 

 

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi oo kooxdiisa Barcelona kula guuleystay 10 horyaal oo LaLiga ah, afar Champions League una dhaliyey in ka badan 600 gool muddo 15 sannadood ah oo uu u ciyaarayay, waxa uu Prosinecki oo khadka dhexe ka dheeli jiray una dhashay Croatia, waxa uu xattaa ku dooday in aanay ahayn in Leo lagu soo dhoweeyo Maradona iyo Ronaldo Nazario.

 

 

“Waxa laga yaabaa in dadka qaarkood ay odhan doonaan Maradona, Ronaldo… Anigu ma garanayo. Waxa jiray ciyaartooyo cajiib ah. Waxay jireen laba xilli oo kala duwan. Aniga fikirkayga, Messi ayaa ah kan ugu wanaagsan.”

Robert Prosinecki waxa kale oo uu u garqaaday Cristiano Ronaldo iyo Ronaldo Nazario, waxaanu yidhi: “Waa laba ciyaartooyo kala duwan. Ronaldo (Ronaldo Nazario) hubaashii wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan.

“Dadka qaarkood waxay odhanayaan Cristiano Ronaldo, laakiin Ronaldo-ha reer Brazil kaliya uma ciyaarin Barcelona. Waxa uu sidoo kale xili-ciyaareedyo cajiib ah kusoo qaatay Inter Milan. Wuxuu dhaqan u lahaa inuu kuwa la xafiiltamaya kalidii garaaco. Layaab ayuu lahaa. Waa ciyaarooyo isbeddel sameeya. Sidoo kale Real Madrid. Halkee ayaanu wax kusoo bandhigin?

 

“Hubaashii, wuxuu ahaa ciyaartoy wanaagsan. Si kastaba, waa  inaan mid sheego, aniga ahaan waxa ugu wanaagsanaa Leo Messi.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker