Maraykanka oo Dawladda.Suudaan ka Saaray Liiskii Madoobaa

Dowladda Mareykanka ayaa maanta Sudan ka saartay liiska madow ee dalalka taageera argagixisada,

 

Waxayna ku dhowaaqday “isbeddel weyn” oo ku yimid xishiidhka ka dhaxeeya dalkaas, laba bilood kadib markii dalkaas Carbeed uu xidhiidh la sameystay Israel.

 

 

Tallaabadan ayaa Albaabada u fureysay gargaar, deynta oo laga cafiyo iyo maal-gelin uu helo dalka Sudan oo hadda ku jira xaalad kala guur siyaasadeed, iyo dhaqaale xumo uu uga darsamay cudurka COVID-19.

 

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii October ku dhowaaqay inuu Sudan ka saarayo liiska dalalka taageera argagixisada, 27 sano kadib markii Washington ay ku Sababaysay  inay gabbaad siiso mintidiinta Islaamiga ah.

 

 

Safaaradda Mareykanka ee Khartoum ayaa Isniintii sheegtay in tallaabadan rasmi laga dhigay, islamarkaana xoghayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa xaqiijiyey “in ku calaameynta Sudan ee dal taageera argagixisada si rasmi ah looga laabtay.”

 

 

“Tani waxay muujineysa isbeddel weyn oo ku yimi xidhiidhka aan wadaagno, iyo u dhaqaaqidda wada-shaqeyn iyo taageeridda isbeddelka dimqoraadiga ah ee Sudan,” ayuu Pompeo ku yidhi bayaan uu soo saaray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker