Mareykanka iyo Taliban oo Heshiis Taarikhi ah kala Saxiixday

 

 

 

 

Mareykanka ayaa kooxda Taliban la Saxiixday Heshiis Taariikhi ah  oo Shalayto oo Sabti ahayd ka dhacay Dalka Qatar, Heshiiska ayaa Looga Gollee yahay  in ciidamada Shisheeye ay ka baxaan dalka Afghanistan 14-ka bilood ee soo socda taasi oo soo Afjareysa Colaadda 18 sano jirsatay ee dalkaasi.

 

 

Inkasta oo heshiiskani uu Qeexayo in Mareykanku uu si Tartiib tartiib ah uga baxo dalkaasi Afghanistan, Wadahadallada dhinacyada Afghanistan ayaa noqon kara kuwa aad u adag.

 

Heshiiskan Masuuliyiinta U  Saxeexay Labda Dhinac ayaa kala ah Ergayga Wadaxaajoodka ee Mareykanda Zalmay Khalilzad iyo madaxa siyaasadda ee Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar.

 

Xoghayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa goob jog ka ahaa munaasabadda saxiixa heshiiskan.  Waxaa isna Safar deg deg ah ugu Duulay dalka Afghanistaan  Xoghayaha Difaaca Mareykanka   , Waxaana safarkan lagu Micneeyay in Looga Gollee yahay   sidii xukuumadda Afghanistan loogu xaqiijin lahaa ka go’naanshaha Mareykanka ee taageerada dalkaasi.

 

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Taliban iyo Xukuumadda Afghanistan iney fursaddan ka faaiideystaan, isaga oo xusay in haddii laga dhabeeyo ka midha dhalinta Heshiiskan  uu  Horseedi Doono  soo afjarista colaadda Afghanistan iyo in ciidanka Mareykanku ay dalkooda ku  laabtaan.

 

Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai ayaa u sheegay laanta Afghanistan ee Idaacadda VOA inuu ku faraxsan yahay saxiixa heshiiska nabadeed ee shalay. waxaana uu xusay inuu ku raja weyn yahay in Wadahadallada kooxaha Afghanistan ay si dhaqsa ah u bilowdaan.

 

Wadahadallo dhexmara Taliban iyo Saraakiisha dowladda Afghanistan ayaa lagu wadaa iney bilowdaan muddo 10 cisho gudahood ah.

 

KHadbiir Aqoon u leh Heshiisyada Caalamiga ah oo inoo Sharaxa Halkan Hoose ka Daawo:

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker