Suldaankii xukumayay dalka Cumaan Suldaan Qaabuus Binu Saciid Oo geeriyooday
Suldankii Cummaan oo ahaa hagaha qaranka ee lahaa goaanka u dambeeya dalkiisa, sidoo kalena ahaa raiisal-wasaaraha, taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, wasiirka difaaca, wasiirka maaliyadda iyo wasiirka arrimaha dibadda Suldaan Qaabuus ayaa caawa geeriyooday.
Waxa uu xilka ka af-gembiyay aabbihii 1970kii. Xaas ma uu lahayn, waxaana 2008dii la ii sheegay in lagu yidhi โWiil aad dhashay ayaa xilka kaalaย wareegiโ sidaas awgeed ma uu guursan. Ma uu lahayn dhaxal-suge astaysan, laakiin 50 qof oo xigtadiisa ah ayaa dooran doona suldaanka cusub.
Haddii ay qof isku raaci waayaan, guddoomiyaha maxkamadda sare, golaha wada-tashiga (baarlamaanka) iyo golaha fulinta ayaa furi doona warqado sir ah oo Suldaanku ku sii qoray cidda uu la rabo kursiga haddii aan lagu heshiin. Saddex cisho oo baroordiiq ah ayaa laga dhawaaqay dalka Cumaan
Da’diisu waxa ay ahayd 79 sanno, waxaana xaalado caafimaad xilliyadii u dambeeyay loogu qaaday dalka Belgimka. Suldaanku waxa la sheegay in uu la noolaa jirrada kansarka. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo. Aamiin.