Iiraan oo Bilawday Weerarada Gantaallaha ay ku Garaacayso o Saldhigyada Mareykanka ee Iraq

Baghdad (OWN) โ€“ Iiraan ayaa gantaallo ku garaacday saldhigga militari ee Ain al-Assad ee ciidamada Mareykanku ay ka degan yihiin dalka Iraq iyo saldhig kale oo ku yaalla Erbil.

 

Afhayeenka Pentagon-ka Mareykanka Jonathan Hoffman ayaa bayaan uu soo saaray ku yidhi โ€œWaa ay caddahay in gantaalladan laga soo tuuray Iran, islamarkaana lagu beegsaday saldhigyada Mareykanka ee al-Assad iyo Erbil.โ€

 

 

Saraakiisha Iran ayaa sheegay in weerarkan uu yahay midkii ay ballan-qaadeen inay uga aargudanayaan dilka Jeneral Qasem Soleimani, oo ay gaysteen Mareykanka.

โ€œAargudashadii darneyd ee ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran waa ay billaabatayโ€ ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ciidamadaas.

 

 

Warbaahinta Iran ayaa ku warramay weerarka saacado kadib markii Jeneral Qasem Soleimani lagu aasay magaalada uu kasoo jeedo.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax warar ah oo laga heli karo khasaaraha iyo waxyeellada ay gaysteen weerarada Iran ay qaadday.

Saraakiisha Iran ayaa sheegay in weerarada ay billowdeen sacaaddu marka ay ahayd 1:20 am, xilligaas oo ah markii Mareykanka ay dileen Qasem Soleimani.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump lagu war-geliyey weerarada Iran, islamarkaana uu la-tashi la leeyahay golihisia amniga qaranka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker